Shirkii Baarlamaanka ayaa buuq ka bilowday kadib markii xildhibaanada diidan in xukuumada la ansixiyo ay soo jeediyeen in la hakiyo shirka maadaama xildhibaan la dilay oo aaskiisa laga qeyb galo, laakiin waxaa arrintaasi ka hor yimid guddoonka Barlamaanka oo sheegay in qoyska xildhibaanka oo Jabuuti ku sugan ay go’aansadeen in xildhibaanka la aaso berito iyagana ay ka qeyb galaan aaskiisa, wuxuuna guddoomiyuhu sheegay in hadda ka hor baarlamaanku shaqeeeyay iyadoo xildhibaan laga dilay, shaqada qarankana aysan saameyn ku yeelan.
[ad name=”HTML-2″]
Arrintan lafteeda ayaa cod la geliyay kadib markii xildhibaanada diidan xukuumada joojin waayeen buuqii, waxaana loo coddeeyay in baarlamaanku shaqeeyo oo aan shirka ka hakin.
Hadda waxaa socda khudbad uu Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ka jeedinayo baarlamaanka oo ay qorshihii xukuumadda, markaas kadibna waxaa lafilayaa in codkii kalsoonida loo qaado iyadoo xubnaha Golaha wasiirada ay sheegayaan inay ilaa 180 xildhibaan ku dhowaad ay codkooda heystaan.
Ra’iisal wasaare oo qorshihiisa u wakiishay inuu Baarlamaanka ka hor akhriyo Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa lagu sheegay sheegay in xukuumadiisa ay xoogga saari doonto hiigsiga cusub ee 2016-ka sidii loo hirgelin lahaa iyo arrimaha ammaanka iyo dib u dhiska hay’adaha dowladda.
Wixii soo kordha kala soco Goobjooge.com Insha allaah