Golaha Wakiilada Puntland ayaa goor dhoweyd anxiyey wax ka bedel lagu sameeyay Dastuurka Puntland oo in muddo ah khilaaf ka taagnaa.
Fadhigii maanta oo xilli hore furmay ayaa 54 Xildhibaan oo ka mida Golaha Wakiilada Puntland waxay ansixiyeen wax ka bedelka Dastuurka Puntland oo qodobo laga bedelay, qaarna lagu daray. Waxaa diiday 6 xildhibaan, cid ka aamustayna ma jirin, iyadoo fadhiga ay Xaadir ahaayeen 60 Xildhibaan.
Wax ka bedelkan ayaa ka dhugan in Xildhibaannada Golaha Wakiilada, Madaxweynaha Puntalnd iyo ku-xigeenkiisa lagu soo dooranayo Cod Dadweyne si toos ah ‘Qof iyo Cod’. Dhinaca kale Xisbiyada siyaasadeed ee Puntland ayaa laga dhigay 9 xisbi.
Ma cadda xilliga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha iyo Golaha Wakiilada Puntland, waxaana laga cabsi qabaa in arrintan ay keento muddo kororsi loo sameeyo Madaxweynaha Puntland, taasoo ay si wey uga hor yimaadeen mucaaradka Puntland.