Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xaqsiinta Siyaasiyiinta Dowladda.
Xeerkan oo muddo dheer hor yaallay Baarlamaanka, kana yimid Baarlamaankii 9-aad oo ansixin waayey ayaa xaq gunno iyo mushaar siinaya xildhibaannada hore ee aan dib loo dooran iyo siyaasiyiinta xilal hore u soo qabtay ee shaqo la’aanta ah.
Waxaa hindise sharciyeedkan u codeeyay 167 ka mida 170 xildhibaan oo fadhiyey kulankii maanta, waxaana diiday 1 xildhibaan iyadoo 2 kale ka aamustay, waxaana gebi ahaan kulanka maanta looga hadlay xeerkan, iyadoo uu shirkana soo xiray guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh.
Arrimaha la yaabka leh ee Xeerkan soo bandhigayo ayaa ah in xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ay doonayaan inay dowladda Xuquuq ku yeeshaan xilliga ay shaqo la’aanta yihiin ama ay ku soo laaban waayaan Baarlamaanka, iyadoo ku nool dal aanay dowladiisu awoodin inay muwaadiniinta siiso adeegyadii asaasiga ahaa, kana mida kuwa ugu faqrisan caalamka.