Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhoweyd u codeeyay mooshinkiii muranku ka taagnaa ee ku saabsanaa dhismaha baarlamaanka Maamula Jubba oo muddo saddex jeer ah kooram la’aan u baaqday, isla markaana xukuumadda iyo madaxda sare ee dowladda ay dadaal ugu jireen in laga baaqsado mooshinkan.
Buuq iyo tirin xildhibaanada fadhiya oo dhowr jeer lagu laabtay markii ay ka baxeen qaarkood fadhiya ayaa ugu danbeyn waxaa tirada xildhibaanada ay noqotay 142 xildhibaan, iyadoo markaas kadib cod loo qaaday, waxayna natiijadii noqotay:
132 xildhibaan oo ogolaatay mooshinka
6 xildhibaan ka aamustay
iyo 4 xildhibaan diiday
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Jeylaani Nuur Iikar ayaa ku dhawaaqay in mooshinka ansax yahay oo Baarlamaanku goo’aamiyay in dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba uu yahay sharci darro. Baarlamaanka Jubba ayaa la filayaa hadii uu sharciga u hogaansamo in dib loo dhiso mar hadii uu sharci darro noqday. Qaar kamida xildhibaanada ayaa weli ku doodaya in kooramka oo aan dhameyn codka la qaaday, halka qaar kalena leeyihiin inuu mooshinkuba ahaa sharci darro, laakiin waxaa hadda jawaabta ay bixiyaan laga sugayaa maamulka Jubba.
Arrintan ayaa waxay soo afjareysaa murankii ka taagnaa mooshinkan oo curyaamiyay shaqadii baarlamaanka, laakiin waxay dhinaca kale sii xumeyneysaa xiriirka dowladda Federaalka iyo Maamulka Axmed Madoobe oo hore ugu hanjabay inay xiriirka u jari doonaan dowladda Federaalka.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]
[ad name=”HTML-6″]