War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Banaanbax Rabshado uu ka bilwoday Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, halkaasoo uu ku sugan yahay wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Bannaanbaxa oo ay soo qabanqaabisay beesha ugu tunka weyn magaalada ayaa loo horjeedaa Madaxweynaha Soomaaliya in qorshihiisa ah inuu odayaasha dhaqanka Hiiraan ku cadaadiyo inay tagaan shirka Jowhar ee maamul u sameynta Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan.
Ciidamada Gobolka iyo kuwa dowladda federaalka ee Magaalada Baledweyne jooga ayaa si awood ah ku kala eryay dadka dibadbaxa dhigaya, waxayna adeegsadeen rasaas ay cirka u ridayeen sid dadka loogu cabsiiyo. Dadka oo boqolaal ah ayaa isugu soo baxay barxadda daljirka dahsoon ayaa la sheegay in rasaas lagu riday ay laba qof ku dhaawacmeen markii ciidamada milateriga ay rasaas ku fureen.
Dadka ayaa ku dhawaaqayay ereyo lid ku ah madaxweyne Xasan Sheekh iyo Shirka Jowhar, wuxuuna bannaanbaxa barbar socday shir saaka dhex maray Madaxweyne Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, shirkaasi oo lagu kala kacay, wax natiijo ahna aanay ka soo bixin markii ay diideen duubabkii uu hor kacayay Ugaas Xasan inay ka qeyb galaan shirka Jowhar.
Xaalada ayaa cakiran, waxayna wararku sheegayaan in guddoomiyaha Gobolka Hiiraan dadaal ugu jiro kulamo kale oo dhex maray Madaxweynaha & Odayaasha dhaqanka Gobolka.
Wadani.com