Bannaanbax looga horjeedo xukunkii dilka ahaa ee mar labaad maxkamadda sare ee ciidamada ku riday dilaagii Wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya ayaa hadda ka socda magaalada Muqdisho.
Bannaabaxa oo rabshado wata ayaa ka dhacaya xaafado ka mida degmada Hodon ee magaalada Muqdisho waxayna dadku gooyeen wadooyinka iyadoo gubaya taayeero kuna dhawaaqaya cadaalad darrada lagu heyso askariga dilka lagu xukumay.
Qaar ka mida ciidamada ayaa qeyb ka ah bannaanbaxa iyadoo wadooyinka qaar uu soo gaaray, sida Trebuunka, waxaana dadka ka qeyb galaya ay u badan yihiin ehellada uu kasoo jeedo askariga dilka lagu xukumay.
Axmed C/laahi Cabdi (Caydiid) 29 jir ah oo hore ay maxkamadda ciidamada ugu xukuntay dil toogasho ah ayaa Racfaan ka qaatay xukunkii dilka ahaa ee hore, ayaa mar labaad maanta isla xukunkii dilka ahaa lagu xukumay.
Askarigan ayaa ka mid aha ilaalada hanti dhowrihii hore ee xilka laga qaaday Nuur Jimcaale, wuxuuna ahaa askarigii rasaasta ku furay wasiirka geeriyooday Cabbaas C/llaahi Siraaji 3 May 2017.
Maxkamadda Sare ee Ciidamada oo xukun kale oo culus ku riday ninkii dilay Wasiir Siraaje [Dhageyso]