Bannaanbax looga horjeedo weerarkii lagu laayay dadkii beeraleyda ahaa ee ka dhacay degaanka Bariire ee Gobolka Shabeelada Hoose ayaa xilligan socda.
Bannaanbax ayaa la sheegay inuu ka socdo degmada Afgooye iyo degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galayaan boqolaal dad ah oo ka careysan dadka lagu laayay degaanka Bariire oo meydkooda la keenay magaalada Muqdisho.
Dadka bannaabaxa wada ayaa xiray wadadda isku xirta magaalada Muqdisho iyo Afgooye, iyadoo joojiyay isu socodka gaadiidka, waxaana la sheegay inay xaaladda kacsan tahay.
Dowlada Soomaaliya oo warar is khilaafsan kasoo saartay weerarkan ayaa lagu wadaa inay si rasmi ah uga hadasho arrintan.