Ahlu suna ayaa la sheegay inay goor dhoweyd xoriyadeedii u soo celisay Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaran Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey) iyo xubno la socday oo galabta lagu xiray magaalada Dhuusamareeb.
Saraakiisha Maamulka Gobolada Dhexe ee Ahlu Sunna ayaa sheegay in la fasaxay Xaliimo yarey iyo wafdigeeda oo dhinaca Guriceel kasoo garay Magaalada Dhuusamareen, waxayna xarigeeda ku sheegeen amar hore u yaallay oo ahaa in la mamnuucay Gawaarida Miyaaradaha maddow.
Xaliimo yarey iyo wafdigeeda ayaa la sheegay inay si xun ula dhaqmeen ciidamada Ahlu suna iyagoo jirdil u geystay ilaalo la socotay, waxaana Ahlu suna ay sheegtay inay arrintaasi qeyb ka tahay sugidda ammaanka magaalada Dhuusamareeb iyo amarrada lagu soo rogay.