Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa degaanka ayaa goor dhoweyd gudaha u galay degmada Xarardheere ee koonfurta gobolka Mudug.
Qararka ayaa sheegaya in maleeshiyadii Alshabaab ay isaga baxeen degmada Xaradheere oo ah magaalo muhiim ah, taasoo mudo dheer ay gacnata ku hayeen.
Ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee Galmudug ayaa lagu arkay xaafadaha degmada, waxaana hadda socda baaritaanka xarumihii ya ka baxen ALshabaab.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/qaair Maxamed Nuur ayaa xaqiijiyay inay ciidamada dowladda qabsadeen Xaradheere.
Waxaa kaloo qabsashada Xaradheere ka hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha xukuumadda Federaalka oo sheegay in Xarardheere iyo Galcad laga xoreeyay khawaarijtii, isagoo hambalyo u diray Ciidamada XDS, Daraawiishta Galmudug iyo xoogagga shacabka.