Ciidamada dowladda iyo kuwa degaanka ayaa Goor dhoweyd gudaha u galay degmada Aadan Yabaal ee Gobolka Sh/Dhexe, kadib weerar ay ku qaadeen.
Wararka ayaa sheegay an ciidamada Kumaandooska Danab, kuwa milateriga Guutada afraad iyo ciidamada degaankaay galabta qabsadeen degmadii Aadan Yabaal oo ahayd xarunta iyo Goobtii ugu danbeysay ee Alshabaab ka heysteen Gobolka Sh/Dhexe.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay gudaha u galeen Aadan yabaal, kadib weerar ay dhow jiho uga qaadeen, iyadoo ay ka baxeen Maleeshiyadii Alshabaab ee ugu danbeeyay oo difaacin magaalada.
Ciidamada la wareegay Aadan Yabaal ayaa saaka ka ruuqaansaday degaanka Ceeldheere, waxayna Galbeedka ka galeen degmada, iyadoo ay hadda socdaan baaritaannada ay magaalada ka wadaan ciidamada Miino Baarista.
