Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada milateriga Soomaaliya oo maanta ka gadoodsan mushaarka aan la siin muddo dheer ay qabsadeen Abaanduulaha ciidamada Xoogga Dalka Cali Baashi Maxamed Xaaji.
Ciidamadan loo saldhigoodu yahay Warashadda Nacnaca ee duleedka Muqdisho una dhow degaanka Jaziira ayaa la sheegay inay xeradaasi ku xayireen abaanduulaha xoogga dalka Gen. Cali Baashir Xaaji Cumar una diideen wax dhaqdhaqaaq ah inta laga xaliyo arrintooda.
Gadoodka ciidamada ayaa maanta saameeyay wadooyinka waaweyn ee magaalada Muqdisho qaarkood oo muddo ay xirteen, laakiin markii danbe lagu guuleystay in laga kaxeeyo wadahadal ay la galeen saraakiil ka tirsan Booliska iyo NISA kadib.

Ciidamada ayaa ku doodaya in 10 bilood mushaar ka maqan yahay, isla markaana ay maqleen in madaxweyne Farmaajo lacag kasoo helay dalka Sacuudiga.
Wadani.com