Wararkii ugu danbeeyay ee degmada Beled-xaawo ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ee Saaka aroortii qabsatay degmadaasi ay ka baxeen goor dhow.
Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii ciidamad Kenya ay duqeyn ku bilaabeen degmada, isla markaana diyaaradaha dagaalka ee helikobtarrada ay dul heehaabeen degmada.
Dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in dagaalamayaaha Alshabaab ay dib uga gurteen degmada Buulow xaawo oo muddo laba saacadood ah heystay degmada oo dagaal culus oo qarax ku bilowday ay kula wareegeen saaka.
Degmada oo ku taalla xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan ciidamo Kenyaan ah oo xoog leh, kuwaasoo xaaladda soo farageliyay markii Alshabaab qabsadeen xarunta degmada Beledxaawo.
Alshabaab ayaa sheegatay in dagaalka ay ku dileen ilaa 30 askari oo ka tirsan ciidamada Jubbaland iyo kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la xaqiijin.
Wadani