War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamada Puntland ay weerar dhulka ah ku qaadeen Togga Suuj iyo degaanada ku teedsan duhurnimadii maanta kadib, iyadoo dagaalka oo socday in ka badan 24 saacadood intiisa badan uu ahaa madaafiic lagu garaacayo buuraha iyo boholaha Togga Suuj oo ay galeen maleeshiyada Alshabaab ee ku duushay degaanadaasi.
Dadka degaanka Godob-jiiraan ayaa sheegaya ciidanka Puntland ku sugnaa halkaasi ilaa shalay halkaasi ay bilaabeen fulinta wejiga labaad ee weerarka oo ah in dhinaca dhulka laga weeraro Suuj.
Weerarkan dhinaca dhulka ah ayaa goor dhow ka bilowday deegaanka Bad-qado oo 40 Km u jirta Godob-jiraan, waxayna wararkii ugu horeeyay ee kasoo baxay degaanka sheegayaan in rasaas culus ay ka bilaabtay halkaasi.
Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Puntland, iyadoo kooxda Alshabaab ee xeebaha Puntland ka degtay wararku sheegayaan inay yihiin koox raacsan Daacish oo ka jabtay Alshabaab, waxaana hogaaminaya saraakiil ka soo jeeda degaanada Puntland.
Dagaalka dhulka ayaa caadiyan ah mid khasaare badan oo ciidamada dagaalamaya ay fool ka fool isku wajahayaan, waxaana aad u yar wararka madaxa bannaan oo laga helayo dagaalkan.
Wadani.com