Ciidamo ka wada tirsan askarta dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku dagaalamay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho.
Iska hor imaadka ugu danbeeyay ayaa duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Baar Ayaan ee degmada Wardhiigley, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hub fudud iyo mid culus, iyadoo dagalku uu gaaray isgoyska Towfiiq.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay arkeen laba askari oo dagaalka lagu dilay iyo qaar dhaawac ah, waxaana baraha bulshada lagu faafiyey askari Booliska ah oo dhaawac ah.
Iska hor imaadkan ayaa la sheegay inuu ka dhashay Gaari Cabdi Bille ah oo ay leeyihiin ciidamada Milateriga, kaasoo damcay inuu xoog ku maro bar ay joogeen ciidamada Booliska.
Shalay ayay ahayd markii ciidamo Milateri ah oo fadhigoodu yahay Gobolka Sh/Dhexe uu dagaal ku dhex maray xaafado ka tirsan degmada Shibis, waxaana weli jira xiisadii u dhaxeysay labada ciidan.