War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ay galeen xarunta Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya si ay u soo xiraan Wasiir ku xigeenka Wasaaradaasi oo amar maxkamadeed laga soo saaray.
Ciidamada gaarka u tababarran ee Booliska ayaa tegay xarunta wasaaradda, waxayna Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mukhtaar Mahad Da’uud u sheegeen inuu xiran yahay oo ay amar heystan, laakiin markii ay isku dayeen inay kala baxaan xarunta ayaa waxaa hor istaagay shaqaale iyo ilaaladda wasaaradda oo difaacaya wasiir ku xigeenka.
Xiisad weyn ayaa ka taagan xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibada ee magaalada Muqdisho oo ku taalla agagaarka KM 5, waxaana is hor taagab labada ciidan, iyadoo Ciidamada ilaalada wasaarada ayaa ka biyo diideen in la kaxaysto wasiirka
Arrintan ayaa salka ku heysa khilaaf u dhaxeeya Wasaarada Arrimaha dibada iyo tan Wasaaradda Maaliyadda oo la xiriira lacagaha ay wasaarada ardimaha dibadda soo xareyso iyo Kharashaadka wasaaradu gala oo la amray inay ku wareejiso wasaaradda Maaliyadda balse la sheegay inuu hor istaagay Wasiir ku xigeenka xariga loo jaray.