Ciidamada Dowladda ee saaka la dhigay Isgoyska Dabka ayaa hor istaagay xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka.
Xildhibaanada ay ciidamada u diideen inay u gudbaan xarunta Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ayaa u badan xildhibaannadii Mucaaradka ee Guddoomiyaha Baarlamaanka uu amray in shan kulan aanay imaan karin Fadhiyada Golaha Shacabka.
Xildhibaan Mahad Salaad oo ka mida Mudanayaasha aya ciidamada ku celiyeen Isgoyska Dabka ayaa farriin uu soo diray ku yiiri: “Isgoyska Dabka ayaa Ciidamo Farmaajo ka amar qaata hada nagu hortaagan yihiin aniga iyo Xildhibaano kale. Mas’uuliyada wixii na soo gaara Maxamed Mursal ayaa qaadaya!“
Xildhibaanadan ayaa dood dheer kadib oo ay la galeen saraakiisha iyo ciidamada ku sugan Isgoyska Dabka dib isaga laabtay markii loo diiday inay ka gudbaan Isgosykaasi, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamo badan oo wata gaadiidka dagaalka.
Ilaa 4 xildhibaan oo ay ka mid yihiin Mahad Salaad iyo Xasan yare ayaa isku dayey inay Baarlamaanka ka galaan ilaa saddex bar oo laga galo madaxtooyada oo dhammaan laga hor istaagay, loona diiday, waxayna ku qasbanaadeen inay dib uga laabtaan.
Wararka ayaa sheegaya inuu kulan u socdo xildhibaanno ka tirsan Mucaaradka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waqtigiisu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh oo arrintan iyo kulanka maanta looga hadlayo.
Ciidamo badan ayaa maanta la dhigay wadooyinka laga galo madaxtooyada, kuwaas oo wata gaadiid dagaal, si loo hor istaago xildhibaannada 15-ka ah ee laga joojiyey fadhiyada Baarlamaanka.
