Wararaka laga helayo magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ciidamo milateri ah oo gadoodsan ay la wareegeen xaruntii uu ka socday shirka Jowhar.
Ciidamadam oo ah milateri ayaa qabsaday xaruntii shirka, iyagoo diiday in la galo ama laga soo baxo, waxaana xarunta degan ergada iyo xildhibaanada maamulka cusub ee Hirshabeelle.
Ilo ku sugan Jowhar ayaa sheehay in ciidamadan ay yihiin kuwo ay isku beel yihin musharaxa Musharaxa Madaxweyne kuxigeenka Xasan Cali Taakow oo maanta sheegay inuu ka baxay shirka, kana digay faragelin ay madaxdooyada ku sameysay.
Ciidamadan ayaa si kedis ah goobta shirka u qabsaday, waxaana laga cabsi qabaa inay isku dhacaan ciidamada maamulka Gobolka.
Wadani.com