Musharax Cumar C/rashiid Cali ayaa ku dhawaqay inuu ka haray tartanka Doorashada isagoo sheegay inuu ahaa qofka ugu danbeeya afarta musharax ee ugu horeeyay wareega koowaad.
Cumar ayaa sheegay inuu ogyahay halka uu u socdo guuxa xildhibaanada, taasoo keentay in sacab fara badan u dhacay.
Xogta ayaa sheegeysa inuu Cumar C/rashiid taageerayo Shariif Sheekh Axmed iyadoo isbaheysigii ugu danbeeyay uu dhacay, haddii ay isu soo haraan Xasan iyo Shariif inuu Farmaajo taageero Shariif Sheekha Axmed.
Wareega labaad ayaa sidiis u socon doona iyadoo xaaladu aad ku kacsan tahay hoolka doorashaduna ay ka muuqato isbedel inuu imaan doono.
Wadani.com