Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali “Sharma’arke” ayaa goor dhoweyd dib ugu soo laabtay xarunta guddoonka Baarlamaanka ee Villa Hargeysa ee madaxtooyada magaalada Muqdisho kadib markii ay ka dalbadeen Guddoonka Baarlamaanka inuu qoraal caddeynaya kala dirista xukuumada ula yimaado si ay ula wadaagaan Baarlamaanka.
Ra’iisal wasaaraha ayaa qoraalkii kala dirista xukuumadiisa 5-ta maalmood jirtay goor dhoweyd soo gaarsiiyay Golaha Baarlamaanka oo laga hor akhriyay waxayna nuxurka qoraalka warqadiisu ahayd:
Kadib markii aan arkay dareenka shacabka, tixgeliyay talo soo jeedinta xildhibaanada, isla markaana yaqiinsaday inay kalsooni ka heleyn xukuumadiisa Baarlamaanka inuu la noqday xukuumadii uu magacaabay “DIB ULA NOQOSHO XUKUUMAD”. Wuxuu intaas ku daray qoraalka in muddo 14 maalmood la siiyo si uu la-tashiyo u sameeyo una soo dhiso xukuumad kale.
Warqadaas kadib ayaa guddoonka Baarlamaanka wuxuu amar ku siiyay Ra’iisal wasaaraha magacaaban arrimaha soo socda:
1. Inuusan ka shiri karin xukuumadii uu magacaabay xubnaha ka mida sida inay Gole wasiiro yihiin.
2. Inuu Ra’iisal wasaare ku xigeen yahay (sii-haye Ridwaan Xersi Maxamed)
Shirkii ayaa ku soo gabagaboobay xarunta Villa Hargeysa waxaana si rasmi ah loo kala diray xukuumadii Cumar C/rashiid soo magacaabay 12-kii Janaayo, iyadoo maalinta beri ah qoraalka Ra’iisal wasaaraha laga akhrin doono Baarlamaanka Soomaaliya oo halkaas lagu soo gabagabeyn doono xukuumadii muranka dhalisay. Waxaase bilaaban doono guluf kale iyo magacaabid xukuumad hor leh oon la ogeyn sida markan loo dhisi doono iyo cidda xukuumadii hore laga tuuri doono.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML”]