Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa goor dhoweyd ka degay magaalada Kismaayo isagoo ka qeybgeli doona caleemo saarka madaxweynaha Puntland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo lagu wado inuu maalinta beri ah ka dhaco halkaasi.
Waxa kaloo isla maanta tegay Kismaayo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo ay magaalada ku qulqulayaan madax kala duwan oo dooneysa inay ka qeyb galaan munaasabadda caleemo saarka Axmed Madoobe oo berito ka dhici doonta halkaasi.
Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in madaxda dowladda federaalka ay sidoo kale ka qeyb geli doonaan caleemo saarka Axmed Madoobe iyo wufuud ka socota dalalka Itoobiya iyo Kenya.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]