Ciidamada ammaanka dowladda ayaa xaqiijiyay in dabley ka tirsan ururka Alshabaab ay ku jiraan mid ka mida labadii Baar ee caawa la qarxiyay.
Dableyda Alshabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen Baarka Caanka ah ee Pizza Hause, iyadoo ciidamada gaarka ah Gaashaan ay hadda la tacaalayaan dableydaasi.
Lama sheegin tirada dableyda gudaha u gashay Baarkan Pizza Hause oo qaraxa uu dhaawac weyn gaarsiiyay, isla markaana ilaa toban qof oo meyd ah bannaankiisa ay daadsanaayeen sida ay ku warrameen dad kasoo badbaaday qaraxa.
Hore ayayc iidamada ammaanka u beeniyeen in dabley ay gudaha ugu jirto labada Baar, laakiin wararkii ugu danbeeyay ee hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dableyda ay galeen Pizza Hause.
Afar dabley ah oo hubeysan ayaa ku jira gudaha Pizza Hause, waxaana la sheegay inay xiran yihiin dareyska ciidamada milateriga. Ciidamada Gaashaan ayaa gaaray goobta oo la filayaa inay howlgal ka sameeyeen.
Weerarkan oo wax ka bedelay xaaladii xasiloonida magaalada iyo dadaalkii loogu jiray in looga hortago falal noocan oo kale ah ayaa waxaa muuqata in Alshabaab ay jebiyaan gidaarkii hay’adaha amniga.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA…
Wadani