Dadka ku dhintay weerarkii loo adeegsaday baabuurka ayaa gaaray 13 qof, iyadoo dhaawaca uu ka badan yahay 32 kale, magaalada Barcelona ee dalka Spain.
Booliska ayaa xaqiijiyay in dad gaaraya 12 ay ku dhinteen baabuurka lagu jiiray dad fara badan oo ku sugnaa bartamaha magaalada gaar ahaan goob taariikhi ah. Dhaawaca ayaa ka badan 32, iyadoo 10 ka mida ay xaaladoodu liidato sida ay xaqiijiyeen Booliska Spain.
Laba nin oo gaariga weerarka geystay ayaa galay Baar goobta ka dhow, waxaana la sheegay inay hubeysan yihiin oo Boolisku isku wareejiyay goobta.
Xaaladda ayaa kacsan magaalada caanka ah ee Barcelona waxaana socda howlgal amni oo lagu xiray dhammaan isu socodka gaadiidka, iyadoo la baadi goobayo darawalka gaariga waday oo la sheegay inuu baxsaday.