Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagaal beeleed saaka ka qarxay degmada Caabudwaaq uu weli socdo.
Dagaalkan ayaa ka dhashay xiisad u dhaxeysay laba beelood kadib markii qof ay iska dileen labada beelood ee Caabudwaaq wada dega, waxaana wararka laga helayo magaalada ay sheegayaan in weli xaaladu kacsan tahay.
Dagaalka saaka ayaa ilaa hadda la sheegay in dadka lagu dilay iska hor imaadyada beeleed ay gaareen lix qof iyadoo lagu dhaawacay 9 kale, waxaana istaagay gebi ahaan isu socodkii gudaha Caabudwaaq.
Degmada Caabudwaaq ayaa caan ku ah xiisad beeleed iyo dagaallo mar waliba dhex maray beelaha dega oo muddooyinkii danbe ay soo wajaheen iska hor imaadyo dad badan ku dhintaan.
Wadani.com