Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd dagaal qaraar ka qarxay degaanka Luuq Jeelow ee duleedka magaalada Beledweyne.
Dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidanka dowladda Soomaaliya oo ay wehliyaan kuwa AMISOM iyo Al-Shabaab.
Ciidamada dowlada Soomaaliya ayaa la sheegay inay qaadeen weerarka oo hadda ka socda degaankaasi, waxayna wararku sheegayaan in hub waaweyn la isku weydaarsaayo.
Dadka degaanka ayaa ka qaxay degaanka Luu Jeelow oo dhowaan Alshabaab ay ka geysteen falal amni darro ah.
Wadani.com