Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in dagaal qaraar uu degaanka Dhagaxyaalle ka tirsan Guriceel ku dhex maray maleeshiyada Alshabaab iyo ciidamada Galmudug ee Ahlu suna.
Dagaalkan ayaa maanta ka bilowday tuulada Dhagxyaale oo 50 KM u jirta degaanka Guriceel ee Gobolka Galgaduud, kadib markii ay halkaasi tageen maleeshiyo ka tirsan Alshabaab, waxaana dagaalku ka dhex qarxay labada dhinac markii ciidamada Galmudug ay weerar ku qaadeen maleeshiyada Alshabaab.
Alshabaab ayaa goor dhoweyd sheegatay inay la wareegtay degaanka Dhagaxyaale oo qasaaro ay gaarsiisay ciidamada Ahlu suna ee Galmudug, iyadoo aanu wax war ah kasoo bixin dhinaca Galmudug.
Dadka degaanka ayaa ka qaxay degaanka dagaalku ka dhacay, waxaana la sheegay in ciidamo kala duwan oo gurmad ah ay halkaasi gaarayaan.