Dagaal culus oo khasaare geystay ayaa la soo sheegay inuu saaka barqadii ka qarxay deegaan ka tirsan gobolka Sool, kaasoo u dhaxeeya laba beelood.
Faahfaahinta dagaalka ayaa aad u yar maadaama meesha uu ka dhacayo ay tahay dhul miyi ah, hase yeeshee waxaa la xaqiijiyey in uu sababay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.
Dagaalkan ayaa sida wararku sheegayaan wuxuu daba socdaa dagaallo 10kii sano ee u dambeeyey dhex marayey qabaa’il deegaannadaas wada dega oo marar badan heshiisyo la dhex dhigay balse taasi aanay joojin colaadii .
Arrimaha uu salka ku hayo ayaa lagu tilmaamay kuwo la xiriira deegaan iyo aano qabiil, waxaana soo baxaya in dad badan ay labada dhinac isaga dileen dagaalka.