Wararka laga helayo magaalooyinka Muqdisho iyo Cadaado ayaa sheegaya in wafdi uu hogaaminayay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug laga soo celiyay magaalada Cadaado.
Wafdigan oo la socday diyaarada saaka ka dhooftay magaalada Muqdisho ayaa la filayay inay ka degaan magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah maamulka Galmudug, laakiin waxaa dhacday in diyaaradii loo diido garoonka Cadaado, taasoo keentay inay dib ugu laabtaan magaalada Muqdisho.
Lama oga sababta ka dambeysa arrintan, waxayna wararku sheegayaan in Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo maalmahan Muqdisho ku sugnaa lagu qanci waayay inuu ka tanaasulo ololaha uu wado ee ku saabsan xil ka qaadista madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.
Wadani.com