Wararka laga helayo magaalada Cadaado ayaa sheegaya in doorashadii Madaxweynaha Galmudug mar kale dib loo dhigay.Guddiga Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay in doorashada madaxweynaha maamulkaasi dib loo dhisay muddo saddex maalmood ah arrimo farsamo dartood.
Guddiga ayaa sheegay in Doorasha madaxweynaha Galmudug la qaban doono 3-da Bisha May, waxaana markii hore loo asteeyay 30-ka April.
Dib u dhaca ayaa waxaa keenay saameyn ay ku yeelatay waanwaantii fashilantay ee Galmudug iyo Ahlu suna ay ka dhex waday dowladda Federaalka.
Wadani.com