Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Friday, June 27
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»Doorashada»Doorashadii Soomaaliya 2016 oo mar kale dib loo dhigay [Akhriso War-saxaafadeed]

    Doorashadii Soomaaliya 2016 oo mar kale dib loo dhigay [Akhriso War-saxaafadeed]

    September 26, 2016Updated:September 27, 20164 Mins Read Doorashada
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Doorashada 2016 ee Soomaaliya ayaa markii labaad dib loo dhigay sida lagu shaaciyay war-saxaafadeed ka soo baxay Guddiga Doorashooyinka Dadban.

    Guddiga Doorashada ayaa goor dhoweyd ku dhawaaqay in muddo bil ah dib loo dhigay Doorashada iyadoo waqti cusub oo ah in madaxweynaha la dooran doono 30-ka November, (AKHRI WARKAN OO AY HORE U QORTAY GOOBJOOGE.COM).

    HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA GUDDIGA DOORASHADA DADBAN


    WARSAXAAFADEED AY WADAJIR U SOO SAAREEN GUDDIYADDA DOORASHOOYINKA EE 2016

    FIEIT

    Warsaxaafadeed ay wadajir u soo saareen Guddiyadda Doorashooyinka ee 2016

    Maanta oo ay taariikhdu tahay 26-ka Sebtember 2016, waxaa la soo gabagabeeyey shir saddex (3) maalmood u socday Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashayooyinka Dadban (GFHDD) iyo Guddoomiyayaasha Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD), shirkaas oo looga wada tashanayey arrimaha doorashooyinka isla mar ahaantaasna lagu sameynayey qiimeyn ku saleysan xaqiiqda ka jirta deegaan doorashooyinka sida, horumarka la sameeyey, caqabadaha soo baxay intii hawsha lagu guda jiray iyo waqtiga loo baahan yahay in lagu dhammaystiro hawlaha dhimman.

    Horumarka la gaaray

    Hirgelinta qorshaha geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka wuxuu sameeyeey horumar la taaban karo. Guddiyada Dawlad Gobaleedyada Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GDGHDD) waxay hadda ku guda jiraan dabagalka soo gudbinta liisaska ergooyinka doorashada ee xarumaha dawlad goboleedyada jira iyo kuwa dhismi doona. Waxaa socda soo dhammeystirka liisaska ergada, sidoo kale waxaa la diyaariyey goobihii cod bixinta.

    Caqabadaha soo baxay intii shaqadu socotay

    In kastoo horumar baaxad leh laga gaaray arrimaha doorashooyinka waxaa muuqata in shaqooyinka qaarkood aysan ku qabsoomi karin jadwalkii shaqo ee loo qorsheeyey sabababo ay ka mid yihiin caqabado isugu jira arrimo siyaasadeed, amni, maamulidda miisaaniyadda doorashooyinka, guddiga xallinta khilaafaadka oo aan weli shaqo galin iyo madax dhaqameedyada oo aan weli soo dhammeystirin liisaska ergooyinka. Sidoo kale, dib u dhac ayaa ku yimid dhismaha xubnaha Aqalka Sare kaas oo caqabad ku noqday soo gudbinta liisaska ergooyinka Golaha Shacabka maadaama uu saamaynayo qaybsiga kuraasta ee beelaha.

    Arrimaha Hiiraan/Shabellaha Dhexe

    GFHDD iyo GDGHDD ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay isugu yeereen madax dhaqameedyada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu jira 135 ta madax dhaqameed si ay ugala tashadaan goobta doorasha ee labada gobol. Wada hadal dheer kadib, 16 ka mid ah 18ka madax dhaqameed ee labada gobol waxay isku raaceen in doorashada labadaas gobol ay ka dhacdo caasimadda Muqdisho. GFHDD isagoo tixgelinaya go’aanka odayaasha waxay soo dhaweeyeen is afgaradka odayaasha labada gobol ee ku taariikheysan 25/09/16.

    Arrimaha Soomaaliland

    GFHDD markii ay la tashadeen GDGHDD ee Soomaliland ayna dhageysteen caqabadaha jira ee ka hortaagan qabsoomidda dooroshooyinka Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka, waxey codsanayaan in si deg deg ah xal looga gaaro caqabadaha siyaasadeed ee horyaala Soomaaliland si ay uga qeyb qaadato geeddi socodka doorashooyinka 2016 ka loona ilaaliyo midnimada iyo wadajirka dalka.

    Go’aammada laga gaaray Jadwalka Doorashooyinka 2016:

    1. In si dhaqso ah loo geeyo ciidamo AMISOM ah xarunta doorashada Dowlad- Goboleedka Galmudug ee Cadaado si loo sugo amniga doorashada ee 2016 ka;
    2. In Madaxda Dowlad Goboleedyada soo gudbiyaan xubnaha musharraxiinta Aqalka Sare ugu danbeyn 5 ta bisha Oktoobar 2016;
    3. In Guddiga Xallinta Khilaafaadka hawlgalo 8 da Oktoobar;
    4. In liiska magacyada ergada doorashooyinka ee Golaha Shacabka la soo dhammeystiro ugu dambeyn 10 ka bisha Oktoobar;
    5. In doorashada Golaha Shacabka la qabto inta u dhaxeyso Oktoobar 23-10 ka Nofeembar ee sannadka 2016ka. Kursi kasta oo ergadiisa diyaar noqota doorashadiisa way dhacaysaa markii la gaaro wakhtiga loo asteeyey doorashada Golaha Shacabka ee Barlaamaanka;
    6. In doorashada Guddoonka labada aqal ee Baarlamaanka cusub la qabto 23 ka bisha Nofeembar;
    7. In doorashada Madaxweynaha ay dhici doonto 30 ka bisha Nofeember ee 2016.

    Ugu dambayn:

    GFHDD waxuu u mahad celinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed dulqaadka iyo taageerada joogtada ah ay la garab taagan yihiin guddiyada ku hawlan geeddi socodka hannaanka doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

    Waxaan sidoo kale u mahad celineynaa saaxiibada beesha caalamka oo taageero maaliyadeed iyo mid farsamaba ka gaystay hirgelinta doorashooyinka dadban ee 2016 ka.

    Dhammaad

     

    Doorashada 2016 Guddiga Doorashada Top
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleDEGDEG: Wasiirkii Warfaafinta Maamulka Puntland oo is casilay
    Next Article Caruur laga xaday waalidkood oo lagu qabtay Magaalada Boosaaso [SAWIRRO]

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2025 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo