Waxaa goor dhowey lagu dhawaaqay heshiis qaabka doorashada Soomaaliya ee 2016 ee dowladda Soomaaliya iyo Puntland wada saxixieem, muddo laba toddobaad ah shirar ka socdeen magaalada Garowe, isla markaana maanta uu dhoor jeer hakaday heshiiska.
Heshiiska oo hadda uun la shaaciyay waxaa qodobadiisa ka mida:
- In nidaamka 4.5ka ee Puntland iyo dowladda fadaraalku isla gaareen aan wixii ka dambeeya in doorashada 2016 lagu galo.
- In dhismaha aqalka sare laga hormariyo aqalka hoose iyo dhismaha aqalka sare in ay ka dhacdo dowladaha xubnaha ka ah dowaldda federaalka.
Xafladda oo ka socota xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa waxaa goobjoog ka ah xubno ka socda Beesha caalamka oo ay ka mid yihiin wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, wakiilka Q/Midoobay, safiiro iyo wakiilo ka socda ururada IGAD iyo Midowga Afrika.
Wadani.com