Dowladda Soomaaliya ayaa ogolaatay inay xayiraadda ka qaado duulimaadyada Qaadka ee imaan jiray Soomaaliya oo ay hakisay horaantii bishan.
Shir gaara oo ay Muqdisho ku yeesheen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ayaa looga hadlay arrinta ugu weyn ee ka dhex taagneyd labada dal iyo codsi ay wadatay dowaladda Soomaaliya oo ahaa in la joojiyo baaritaanka dadka Soomaalida ah lagu sameeyo garoonka diyaaradaha Wajeer oo lasii mariyo diyaaradaha u socda dalka Kenya.
Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya Amina Maxamed ayaa sheegtay in xayiraaddii laga qaaday Qaadka Kenya, isla markaana ay isla berito dib u bilaaban doonaan duulimaadyadii Qaadka.
Dowladda Soomaaliya oo markii horeba hakad gelisay Duulimaadka Qaadka ayaa dib uga noqotay go’aankaasi, laakiin dowladda Kenya waxay sheegtay in muddo saddex bilood ah gudahood ay dib u eegeyso arrinta diyaaradaha la marsiiyo Wajeer.
Dad fara badan oo taageero aan qiyaas lahayn u muujiyay go’aankii xayiraadda ama hakinta Qaadka ee Muqdisho ka dhaqan galay ayaa hadda xaqiiqada arrinta iyo sida ay wax u dhaceen ka careysiin doontaa.
Wadani.com