War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in ergadii shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ka baxeen hoolka shirka oo lagu waday inay maanta guda galaan shaqadooda.
Ergada oo ku dhow 300 oo qof ayaa ka dareeray shirka markii ay ka war heleen inaysan lahayn wax xuquuq lacageed ah oo ay ku qaadanayaan ergonimada, ayna howshoodu tahay inay ansixiyaan calanka, magaca iyo Dastuurka maamulka.
Madaxda wasaaradda arrimaha gudaha ayaa laga soo xigtay in ergada shirka aysan lahayn xuquuq lacageed oo ka baxsan jiif iyo cunto, waxaana arrintan ay dhalisay inay shirka ka baxaan oo sidaasi lagu soo xiro fadhigii koowaad ee ergada shirka.
Wadani.com