Ciidamada ammaanka dowladda Federalka Soomaliya ayaa dilay laba ka mida dabley wadatay gaari oo barqnimadii maanta Hoobiyeyaal ku garaacay xaafado u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho.
Ciidamada ayaa iska hor imaad dhex maray ugu horeyntii ku dilay mid ka mida kooxda hoobiyaha wadatay, waxayna baacsadeen mid kale oo galay guri ku yaala xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir.
Howlgal muddo qaatay kadib ayaa la soo badbaadiyay dadkii guriga deganaa, waxaana la dilay goor dhoweyd ninkii guriga galay oo ka mid ahaa kooxda dableyda ah ee hoobiyeyaasha ku riday magaalada.
Wararkii uu danbeeyay ayaa sheegaya inuu qarxay gaarigii ay ciidamada qabteen ee hoobiyaha uu saarnaa, dagaal muddo ka badan saacad iyo is baacsi socday ayaa soo gabagaboobay hadda.
Maamulka degmada Wadajir iyo ciidamada NISA ayaa lagu wadaa inay soo bandhigaan ragga la dilay, inkastoo gaariga uu qarxay.
Hoobiyeyaashii maanta lagu duqeeyay magaalada ayaa xaafado u dhow garoonka diyaaradaha Muqdisho ku dhilay canug yar, kuna dhaawacay laba kale.
Wadani.com