War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa uu geystay qarax xoog leh oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in gaariga uu ku qarxay xaafadda Sey Biano agagaarka Isbitaal Banaadir, waxaana dab qabsaday.
Macalin wax ka dhigi jiray jaamacadda SIU oo lagu magacaabp C/weli Xasan Baadi ayaa dhaawac culus kasoo gaaray qaraxa isagoo ahaa qofka watay gaariga, iyadoo dad kale ay ku dhaawacmeen, waxaana gaariga qarxay lagu sheegay inuu ahaa nooca CARIB.
Gaariga ayaa Gubtay, waxaana la filayaa in qaraxa uu ahaa mid lagu xiray oo aanu ahayn is-miidaamiye.
Ciidamada dowladda iyo gaadiidka dab damiska ayaa goobta loo diray iyadoo weli ay socoto howsha lagu tacaalayo qaraxaasi.
Wadani.com