War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in qarax weyn uu ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid.
Wararkii ugu horeeyay ee qaraxan oo laga maqlay qeybo badan oo ka mida caasimadda ayaa sheegaya miino dhulka la geliyay ee aan ahayn gaari xamuulka, taasoo qarxeedu ka dhacay agagaarka isgoyska Jen. Daa’uud ee magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada ammaanka ayaa sheegay in qaraxa laga maqlay magaalada uu ahaa miino dhulka lagu aasayoo aan geysan qasaare nafeed ah, iyadoo ciidamada ay xireen goobtaasi.