War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in Gabar saxafiyad ah goor dhoweyd lagu dilay magaalada Muqdisho.
Gabadha weriyaha ah ee la dilay ayaa magaceeda lagu sheegay Sagal Salaad Cusmaan.
Weriyaha ayaa la sheegay inay u shaqeyneysay Warbaahinta Dowladda, (Radio iyo TV-ga dowladda), waxaana dabley hubysan ay ku dileen agagaarka xarunta jaamacadda Plasma, Degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.
Dableyda dilka geysatay ayaa la sheegay inay ka baxsadeen goobta, waxaana saxafiyada oo ahayd gabar dhalinyar meydkeeda laga qaaday halkaasi markii ay tageen ciidamada ammaanka.
Xoghayaha guud ee ururka Saxafiyiinta NUSOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu ayaa cambaareeyay falka waxashnimada ah ee lagu dilay weriye Sagal Salaad.
Wadani.com