Doorasho lagu buuxinayo xubintii Guddiga dib u eegista Dastuurka ee uu iska C/raxmaan Faroole ayaa maanta ka dhacday xarunta Aqalka sare ee Baarlamaanka.
Waxaa isu sharxay afar musharax oo doonaya in loo doorto xubinta guddiga, waxayna kala ahaayeen: Shukri Aadan Maxamed, Xasan Cusmaan, C/weli Cilmi Goonjeex iyo C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag).
Wareegii koowaad ee codeynta ayaa natiijadiisii noqotay:
1- Shukri Adan Maxamed =16 cod
2- Xasan Cusmaan = 5 cod
3- Cabdiweli Goonjeex = 11 cod
4-C/llaahi Fartaag= 14 cod
Wareegii labaad waxaa ku loolamay Shukri Aadan iyo Gen. Fartaag waxaana natiijadii noqotay inuu ku guuleysto C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo buuxin doona xubinnimadii uu banneeyay C/raxmaan Faroole, isagoo helay 24 cod, halka Shukri ay heshay 22 cod.
Wadani