Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa goor dhoweyd si aqbaliyad ah ugu codeeyay Qaraar lagu diidan yahay go’aankii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump magaalada Qudus ugu aqoonsaday caasimadda Israa’iil.
Cod loo qaaday Qaraarka diidma Trump ayay u codeeyeen 128 dal iyadoo ay ka aamuseen 35 dal, waxaana diiday 9 dal oo qura, arrintan oo guul siyaasadeed u ah Dalalka Muslimiinta iyo reer Falastiin, halka ay sii go’doomineyso Mareykanka.
Qaraarka Golaha Guud ayaa go’aankii Trump ee ku saabsanaa magaalada Qudus ka dhigaya mid sharci darro iyo waxba kama jiraan ah oo ay qasab tahay in la baabi’iyo, inkastoo go’aannada Golaha Guud aanay fulintooda qasab ahayn.
Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo madaxweynaha Mareykanka uu ku hanjabay in dalalka taageera go’aankan uu ka jari doono taageerada dhaqaale ee Mareykanku siiyo dalalkaasi.
193-da dalka ee Q/Midoobay ayaa waxaa go’aankan taageeray 9 dal oo kaliya oo aanay ku jirin dalal qiime leh marka laga reebo Mareykanka iyo Israa’iil arrintan waday, waxayna dalalkaasi kala yihiin: US, Israel, Guatemala, Honduras, Togo, Palau, Micronesia, Marshall Islands iyo Nauru.