Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in dowladda Golaha Wasiirada Kenya ay go’aan ka qaateen muranka xuduudka Badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya, kadib kulan maanta ka dhacay Guriga Madaxtooyada magaalada Nairobi.
Kulanka oo uu guddoomiyey Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa la sheegay inay ku gaareen Qaraar ay ku saabsan ‘Tub – roadmap’ lagu xalinayo muranka xuduudka Badda ee Somalia ioyo Kenya.
Go’aankan lagu xalinayo muranka labada dal ayaa la sheegay inuu maanta gelinka danbe shaacin doono xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibadda Kenya, iyadoo lagu xaqiijinayo qaranimad Kenya iyo kheyraadkeeda badda sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan Kenya.

“Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa maanta guddoomiyey kulanka Golaja Wasiirada oo ka dhacay Guriga dowladda ee Nairobi; waxaana kulanka looga hadlay oo la isku waafaqay qorshe lagu xalinayo muranka xuduudka badda ee Kenya kala dhaxeeya Soomaaliya iyo tallaabooyin lagu xaqiijinayo qaranimada Xuduudaha e Kenya” ayaa lagu yiri War goor dhoweyd ka soo baxay Madaxtooyada Kenya.
Waxaa la filayaa inay Kenya qaadato tallaabooyin ay ku sheeganeyso qeyb ka mida Badda Somalia oo ay sheegatay, taasoo hadda hor taalla Maxkamadda adduunka e ICJ.
LA SOCO WIXII KASOO KORDHA…