War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in hadda lagu dhawaaqayo Golaha wasiirada xukuumadda cusub ee Soomaaliya.
Goor dhow ayaa saxaafadda looga yeeray xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyadoo lagu wado in lagu dhawaaqo Golaha Wasiirada cusub.
Diyaargarowga ayaa maanta oo dhan socday kadib markii xalay lasoo gabagabeeyay, waxaana dib u dhaca keenay saacadihii ugu danbeeyay isbedel kooban oo la sheegay in lagu sameeyay Liiskii diyaarsanaa oo saameyn ku yeeshay laba wasiir.
Weriyeyaasha tegay xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa soo sheegay jahawareer xoog leh oo ka taagan xafiiska iyadoo magacaabidda golaha wasiirada qas ka jiro. Mararka qaarkood waxaa loo sheegay inay dib u dhacay, halka mar kale lagu wargeliyay inay sugaan.
LA SOCO..