Wararka aan ka heleyno Xafiiska Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegaya in caawa shir degdeg loogu yeeray xubnaha Golaha wasiirada, iyadoo aan la shaacin ujeedada shirkan oo imaanaya hal 24 saac uun kadib shirkii caadiga ahaa ee Khamiislaha Golaha wasiirada.
Warar ku dhow Xafiiska Cumar C/rashiid ayaa sheegay in shirkan ku saabsan yahay magacaabidda xubno tiro badan oo loo sharxay inay safiiro noqdaan, waxaana arrintan ku heshiiyay Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaarah oo caadiyan kala qeybsada safiirada la magacaabayo.
Shirarka Golaha Wasiiirada ayaa iska noqay shirar wixii la horkeeno iska ansixiya iyadoo aan wax dood ah iyo su’aal midna ka keenin, waxaana hore loo marsiiyay 5 safiir oo aan magacyadooda la sheegin balse tiro ahaan loo ansixiyay.
Wadani.com