Guddiga Doorashada Dirta Waqooyi (Somaliland) Garabka Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa goor dhow ku dhawaaqay inay doorteen Guddoon cusub.
Xubnahan oo ka kooban 4 xubnood ayaa Gudoomiye waxay u doortayn Suleyman Caydiid Cismaan, halka ay Gudoomiye kuxigeen u doorteen Cabdishakuur Abiib Xayir oo hore sidan oo kale ay u doorteen.
Tallaabadan ayaa ka danbeysay markii Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu maanta doorasho u qabtay Garabka kale ee Guddiga Doorashada Somaliland, isagoo kadibna aqoonsaday.
Khilaafka Siyaasiyiinta labada garab ee Somaliland iyo Guddiyada Doorashada ayaa dib ugu laabtay halkii ay hore u joogeen, marka laga reebo inuu Rooble taageeray Garabkii uu hoggaamineyay ku xigeenkiisa Mahdi Maxamed Guuleed .
