War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) uu war ka soo saaray Mooshinka xil ka qaadista Madaxweynaha iyo Mooshinka kale ee ka horjeeda.
Qoraal ka soo baxay Guddoomiye Jawaari oo ay aragtay Wadani.com ayuu ku sheegay in mooshinada la keenay guddoonka Baarlamaanka ee iska horjeeda ay ku kala qeybsan yihiin xildhibaanada Baarlamaanka Soomalaiya sidaas darteedna loo baahan yahay in xal loo helo kala qeybsanaanta jirta.
Guddoomiya Jawaari ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu soo jeediyo wadahadal xaalada taagan looga gudbo, haddii ay taasi suuragal noqon weyso kadibna mooshinadaas la hor keeni doono Baarlamaanka.
Wixii ka soo kordha la soco Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]