War hadda soo dhacay oo aynu ka helnay gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal qaraar oo dhex Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al shabaab lagu dilay Gudoomiye ku xigeenkii degmada Beled-xaawo Maxamed Yacquub iyo Taliyahii ciidamada Booliiska ee degmada Luuq ninka lagu magacaabi jiray Cabdi Howzar.
Dagaalkan oo ahaa mid aad u culus ayaa ka dhacay degaan u dhaxeeya Belad-xaawo iyo Garbahaarey oo ka wada tirsan gobolka Gedo. waxaan geerida labada mas’uul xaqiijiyay mas’uuliyiin ku sugan gobolka Gedo.
Weerarka Alshabaab soo qaadeen ayaa la sheegay inuu ahaa mid lama filaan ah oo ay la beegsadeen kolonyo ciidamo ah oo ay la socdeen labada mas’uul ee la dilay, waxaa kaloo halkaasi ku dhintay ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda.
Wadani.com
[ad name=”HTML-1″]