Wararka laga helayo magaalada Garowe oo xiisad siyaasadeed ay ka jirtay ayaa sheegaya in xildhibannada golaha Wakiilada Puntland ay si degdeg ah xilkii uga qaadeen guddoomiyihii Golaha Wakiilada Maamulkaasi C/xakiim Maxamed Cali (Dhoobo-Daarood).
Kulan uu guddoomiyey guddoomiye ku xigeenka Barlamaanka Puntland ayaa C/casiis C/llaahi Cismaan ayaa la sheegay in Mooshinka xil ka qaadista guddoomiyaha looga dooday, kadibna codkii loo qaaday ay u codeeyeen inay kalsoonida kala noqdaan 49 Xildhibaan, iyadoo ay ka aamuseen 4 Xildhibaan, waxaana kulanka ku sugnaa 53 xidhibaan; iyadoo sidaasi looga dhawaaqay inay xilkii laga qaaday.
Mooshinkan waxaa waday oo dhaqaale ku bixiyey xukuumadda Puntland, iyadoo aan la ogeyn inuu aqbali doono guddoomiyaha xilka laga qaaday iyo in kale.. Qaabka mooshinka loo furay, sida degdegta ah ee loo fuliyey ayaa caddeyn u ah inay ahayd arrin diyaarsan oo aan nidaam dheer la marsiin.