Warar dheeraad aha ayaa kasoo baxaya kiis la yaab leh oo Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho, kadib markii canug ku dhashay isbitaalka laga xaday.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamada Booliska ay degmada Hodon ku qabteen haweeneydii lagu tuhunsanaa inay xaday canuga yar, waxaana lala qabtay haweeney kale iyo nin la socday, iyagoo hadda ku xiran Xarunta Dembi baarista ee CID-da oo baaritaan lagu hayo.
Canugii la xaday ayaa la helay iyadoo dib loogu celiyey hooyadiis oo ku jirtay isbitaalka SOS, wuxuuna dib ula midoobay hooyadii uu ka maqnaa muddo ku dhow 48 saacadood. Waxaana baaris ku socotaa haweeneyda lagu tuhunsan yahay inay ka danbeysay xadista canugaasi oo saacado kooban dhalannaa markii ay kala baxsatay Isbitaalka SOS, kadibna la waayey cid taqaan iyo meel ay kala dhacday.
Dadka degaanka ayaa la sheegay inay Booliska ku wargeliyeen haweenay ay ku tuhmeen inay heysato canug aysan dhalin, taasoo xaaladdeeda shaki ku dhalisay, iyadoo sidaasi lagu qabtay. Waxaa maanta isbitaal SOS iyo haweeneyda canuga laga xaday booqday guddoomiyaha degmada Heliwaa C/xakiim Cumar.