Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegaya in goor dhoweyd ay dhowr Madfac oo Hoobiyeyaal ah kusoo dhaceen gudaha magaalada.
Jugta ilaa saddex Hoobiye ayaa laga maqlay magaalada Dhuusamareeb oo ay hadda ku shirsan yihiin Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul Goboleedyada dalka. Madaafiicda kadib ayaa la maqlay iska hor imaad iyo dagaal dhex maray ciidamada iyo kooxdii weerarka soo qaaday.
Maleeshiyada Alshabaab ayaa la sheegay inay weear ku qaadeen ciidamo ka tirsan Gorgor, iyadoo ay rasaas is-weydaarsadeen labada dhinac. Ciidamda ayaa la sheegay inay kala ereyeen maleeshiyadii Alshabaab ayna gacanta ku dhigeen Qori hoobiye ah, gaari ay wateen kooxda weerarka soo qaadey, qoryo fudud, waxaana wararku seegayaan in dhowr la dilay, qaarka la dhaawacay.
LA SOCO WIXII SOO KORDHA..
