Close Menu
Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Thursday, June 4
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Facebook X (Twitter) Instagram
    • Somali News
      • Banaadir
      • Galmudug
      • Hirshabelle
      • Jubaland
      • K/Galbeed
      • Puntland
      • Somaliland
    • Xog cusub
      • Federaalka
      • Baarlamaanka
      • Madaxtooyada
      • Xukuumadda
    • Federaalka
    • Caalamka
    • Dhaqaalaha
    • Qormooyinka
    • Xulashada
    Wadani.com: Somali News, Somalia news Analysis.
    Home»BREAKING NEWS»Iiraan oo Gantaallo ku duqeysay laba Saldhig oo Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq. [Jawaabtii dilka Gen. Suleymani]

    Iiraan oo Gantaallo ku duqeysay laba Saldhig oo Mareykanka ku leeyahay dalka Ciraaq. [Jawaabtii dilka Gen. Suleymani]

    January 8, 2020Updated:January 8, 20202 Mins Read BREAKING NEWS
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Dowladda Iiraan ayaa jawaabtii ugu horeysay ka bixisay dilkii taliyihii ciidamada Qudus Jeneraal Qaasim Suleymani, waxayna gantaallo ku duqeysay labada saldhig oo ciidamada Mareykanka ku leeyihiin dalka Ciraaq.

    Weerarkan oo dhacay saqdii dhexe ee kadib ayaa lagu qaaday saldhiga Cayn-Al-asad iyo saldhigga Irbiil oo ah saldhigyo ay degan yihiin ciidamada Mareykanka, waxaana lagu duqeeyay in ka badan 12 Gantaal oo dhulka laga riday, dhulkana wax ka dila.

    Saldhigga Ceyn-Al-asad oo magaalada Baqdaad u jira 30 KM ayaa la sheegay inay ku dhaceen ilaa 13 Gantaal oo ka yimid dalka Iiraan, waxaana weli socda qiyaasta qasaaraha ay geysteen, halka saldhigga kale ee Irbiil, gobolka Kurdistan lagu riday ilaa 3 gantaal.

    Taliska Ciidamada Ilaalada Kacaanka ayaa caddeeyay in weerarka lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka ee dalka Ciraaq lagu magacaabay Jeneraalka Qasim Suleymani. waxaana weerarkaasi xaqiijiyey Wasaaradda difaaca Mareykanka oo sheegtay in weerar sawaariiq ah lagu qaaday saldhigyada ciidamada Mareykanka.

    Weerarka ayaa lagu wargeliyey madaxweynaha Mareykanka, waxaana la qiyaasayaa qasaaraha ay geysteen gantaalaha Iiraan ku weerartay saldhigyada Mareykanka. Iiraan ayaa dhinaca kale u digtay dalalka Khaliijka haddii Mareykanka isku dayo inuu weerarro Iiraan.

    Madaxweyne Trump oo farriin soo diray ayaa sheegay in wax waliba ay wanaagsan yihiin, isla markaana la qiyaasayo qasaaraha ay geysteen weerar gantaallo ah oo Iiran ku qaaday saldhigyada Mareykanka. wuxuu intaas ku daray in Mareykanka uu leeyahay ciidamada ugu wanaagsan iyo hubka ugu casrisan dunida. ayna xaaladu degan tahay, isagoo faahfaahin bixin doono Arbacadda maanta.

    Wasiirka Arrimaha dibadda Iiraan Javad Sherif ayaa farrii uu soo saaray ku sheegay in Iiraan aysan dooneynin dagaal, balse ay xaq u leedahay inay is-difaacdo.

    Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hore loogu digay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, isla markaana ay isu diyaariyeen inay ka badbadaan gantaallaha la filayey inay ka yimaadaan Iiraan, iyadoo qasaare soo gaaray ciidamada Mareykanka aan lasoo sheegin.

    Iran Iraq Top Trend
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email
    Previous ArticleJawaabtii ugu horeysay ee Madaxweyne Trump: “Wax kasta waa wanaagsan yihiin; Iran ayaa weerartay saldhigyo..”
    Next Article DEGDEG: Diyaarad siday Dad rakaab ah oo ku dhacday magaalada Tehran ee dalka Iiraan.

    Related Posts

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Dowladda Somaliya iyo Mareykanka oo duqeyn culus ka fuliyay duleedka Kismaayo

    May 28, 2025

    WARARKII MAANTA

    Senator Cabdi Qeybdiid oo weerar culus ku qaaday Madaxweyne Xasan Sheekh

    May 28, 2025

    Soomaaliya oo halis ugu jirta inay Malaayiin dollar ku lumiso khilaafka Puntland iyo DFS

    May 28, 2025

    Maraykanka oo hoos u dhigay taageeradii Ciidanka Danab iyo xaalad adag oo heysata

    May 28, 2025

    Shirkii Mucaaradka oo furmay iyo Sheekh Shariif oo hoggaaminta la wareegay (Sawirro)

    May 28, 2025

    Dowladda Fedaraalka oo faahfaahin ka bixisay duqeymo Mareykanku kaa fuliyay Jubbada Hoose

    May 28, 2025

    Wadani Online aims to establish itself as a progressive media outlet capable of competing with both regional and international counterparts.
    The primary objective behind the inception of Wadani.com is to create a platform that specializes in investigative journalism, thereby enhancing the quality and depth of media coverage.

    • Facebook
    • Twitter

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    © 2026 Wadani.com .
    • About Wadani
    • Hiraalkeena
    • Baahinteena
    • Contact Us

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    This website uses cookies to process personal data. You may accept or manage your choices by clicking below, including your right to object where legitimate interest is used, or at any time on the privacy policy page. Accept Read More
    Privacy & Cookies Policy

    Privacy Overview

    This website uses cookies to improve your experience while you navigate through the website. Out of these, the cookies that are categorized as necessary are stored on your browser as they are essential for the working of basic functionalities of the website. We also use third-party cookies that help us analyze and understand how you use this website. These cookies will be stored in your browser only with your consent. You also have the option to opt-out of these cookies. But opting out of some of these cookies may affect your browsing experience.
    Necessary
    Always Enabled
    Necessary cookies are absolutely essential for the website to function properly. This category only includes cookies that ensures basic functionalities and security features of the website. These cookies do not store any personal information.
    Functional
    Functional cookies help to perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collect feedbacks, and other third-party features.
    Performance
    Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.
    Analytics
    Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.
    Advertisement
    Advertisement cookies are used to provide visitors with relevant ads and marketing campaigns. These cookies track visitors across websites and collect information to provide customized ads.
    Others
    Other uncategorized cookies are those that are being analyzed and have not been classified into a category as yet.
    SAVE & ACCEPT
    Powered by CookieYes Logo