Iiraan oo beenisay in diyaarad nooca is-wada ah ee Drone uu kasoo riday Mareykanka ayaa shaacisay muuqaal ku saabsan sawirro maqal iyo muuqaal ah oo diyaaradaheeda ay ka qaadeen maraakiibta dagaalka Mareykanka.
Sida uu baahiyey Telefishanka Press TVoo Iiraan ay leedahay diyaaradaha Drone-ka ee wax basaasa oo ay Iiraan leedahay ayaa si weyn ugu dhowaaday Maraakiibta dagaalka Mareykanka ee ku sugan gacanka Hormuz, waxaana muuqaalka ka muuqda in Iiraan ay si weyn ula socoto dhaqdhaqaaqa Maraakiibta diyaaradaha xambaara ee Mareykanka oo diyaaradaheeda wax basaas ay dul joogaan, iyadoo muddo 3 saacadood ah maqal iyo muuqaal ka duubay markabka dagaalka Mareykanka.
Ciidamada ilaalada Kacaanka Iiraan ayaa wax lagu qoslo ku tilmaamay warkii kasoo yeeray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegeen inuu yahay mid been abuur ah, waxayna caddeyn u keeneen muuqaalka ay ka duubeen markabka uu Trump sheegay inuu soo riday diyaaradaheeda Drone ee is-wada.
Trump ayaa wariyayaasha Aqalka cad ugu sheegay in diyaaraddu ay masaafo 900 oo mitir ah usoo jirsatay U.S.S Boxer iyadoo iska indho-tirtay digniino loo diray oo loogu sheegay in ay dib u laabato.
Waxaa hore warkan u beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Iiraan Jawaz Darif oo sheegay inaysan jirin diyaarad laga soo riday Iiraan oo ah kuwa is-wada, isla markaana aysan waxba ka jirin warka madaxweyne Trump ku sheegay shirkii jaraa’id ee xalay.