Isbaheysigii ugu weynaa oo ay ka mid yihiin Xildhibaano, Xisbiyo siyaasadeed, Bulshada rayidka ah iyo qeybo ka mida bulshada ayaa goor dhow looga dhawaaqay magaalada Muqdisho, iyadoo isbaheysigan uu ka soo horjeedo sida uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku hogaaminayo dalka.
Isbaheysigan ayaa la baxay magaca ah: MADASHA SOOMAALIYEED EE MIDNIMADA IYO DIMOQRAADIYADDA” ayaa xafladii looga dhawaaqay waxaa ka dhex muuqday xildhibaanadii ka horjeestay madaxweyne Xasan Sheekh iyo madaxda xisbiyo siyaasadeed oo hore ugu tartamay jagada madaxweynaha.
Bayaankii ugu horeeyay ee ay soo saartay madasha ayaa lagu sheegay inay shacbiga Somaaliyeed usoo bandhigayaan dhaqan cusub ee siyaasadeed oo aan ku saleysneyn qabiilnimo, saldhigeedu yahay isbaheysi siyaasadeed oo ballaaran, una furan dhammaan muwaadiniinta Somaaliyeed. Waxaa kale oo isbaheysigaan u furanyahy, mudnaan gaar ahna siinayaa dhallinyarada iyo ururradooda isbedel-doonka ah.
Xubnaha ka dhex muuqdau daahfurka Madasha waxaa kamida:
C/raxmaan Baadiyow
Cabdi Dhuxulow Dhegdheer
Ridwaan Xersi Maxamed
Salaad Cali Jeele
C/llaahi Maxamed Shirwac
Zakariye Xaaji Cabdi
Prof. Gaandi
Khadiija Maxamed Diriye
Cali Xareed
Ducaale Adan Maxamed
iyo xubno badan oo ka mida taageerayaashii Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh Axmed.
Wadani.com
Muqdisho
[ad name=”HTML”]